Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo sheegtay iney ka hortagtay dayuurado isku dhici rabay, kuna eedeysay DF

Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland ayaa mar kale sheegtay iney ka hortagtay dayuuado marayey hawada Somalia oo isku dhici rabay ka dib tilmaamo qaldan oo ay siisay heyadda duulista rayidka ee dowlada Somalia oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEED

Diyaarado isku dhici gaadhay mar labaad

Habeenimadii Axaddii  March 24 2024, abbaaro 12:43 Afrikada Bari , ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Emirate Airways oo duulimaadkeedu ahaa UAE722 kuna duulaysay joog 37,000ft iyo diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadkeedu ahaa ETH690, kuna jirtay joog  37,000ft ayaa ku sigtay in ay isku dhacaan, ka dib markii Muqdisho Control ay labaddan diyaaradood siiyeen joog wakhti iyo goob isku mid ah oo ay labadda diyarood ku kulmayeen.

Daqiiqado yar ka hor wakhtiga ay isku dhici lahayeen, ayaa dedaal ay sameeyeen Somaliland Air Traffic Controllers ka iyo duuliyaha diyaaradda Ethiopian Airlines, ay sababtay in uu duuliyuhu si deg-deg u baddalay joogiisii, isla markaana uu koray jooga 39000ft.

Intaas oo kaliya maaha, waxa ay maamulayasha hawada ee Muqdisho (Mogadishu Controllors) si joogto ah u sameeyaan khaladaad kuwan la mid ah, kuwaas oo halis ku ah badqadbka diyaaradaha caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si xirfad sare leh u maamulaysaa diyaaradaha ku duulaya hawadeeda iyada oo ku filan adeegga ay u baahan yihiin, iyada oo mar walba saxaysa khaladaadka ay samaynayso Muqdisho, khaladaadkaas oo horseedi kara masiibooyin aad u wayn.

Waxa aanu hay’addaha ay khususayso iyo dhammaan caaalamka la wadaagaynaa in is adkaynta iyo aqoon darrada ka muuqada Towerka Muqdisho ay khatar ku tahay badqabka hawada.

Waxa aad halkan ka dhagaysan kartaa  Controller -kii Muqdisho oo  canaan iyo eedayn ku wajahan duuliyihii jeedinaya, isaga oo leh maxaad  cid kale amarka uga qaadatay.

HOOS KA DAAWO MUUQAAL AY SOO BANDHIGTAY SOMALILAND

 

Related posts

Al-Qaacida oo yeelatay hogaamiye cusub oo bedelay Dr. Ayman Al Zawaahiri

Caydiid Ali

Kenya oo heshay keydkii ugu horreeyay ee macdanta qaaliga ah ee loo yaqaan Coltan

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Bashar Al-Asad oo booqasho taariikhi uga bilaabatay dalka..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---