Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khayre oo ka hadlay khilaafka dastuurka, fariin culusna u diray Xassan Shiikh

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa hadal uu jeediyey kaga hadlay arrimaha dhameystirka dastuurka  ee uu muranka badan iyo khilaafka badan uu ka taagan yahay.

Khayre ayaa sharaxaad ka bixiyey qodobada ay ku diidan yihiin madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya in deg deg loo meelmariyo qorshihiisa dhameystirka dastuurka oo haatan ka socda baarlamanka Somalia.

Waxaa uu sheegay in dastuur la bedelayo oo kaliya ay arkaan balse uusan aheyn dastuur la dhameystirayo, taasina ay tahay mid qaldan oo ka weecsan nidaamka loo dejiyey dastuurka in la dhameystiro.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka digay in dalka lagu maamulo kaligii talisnimo “Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan dib u xusuusinayaa in uusan ka leexan wadadii aan ku baadi goobeynay midnimada Soomaaliya iyo masiir loo dhan yahay, isla markaana uusan iloobin hadaladiisii ahaa in qof kaligiis ah uusan go’aan ka gaari karin masiirka umadda” ayuu yiri Kheyre.

Waxaa codsaday in talada dastuurka dhexda lasoo dhigo, meelna la isla dhigo danaha gaarka ah ee laga dhex raadinayo dastuurka, kuwaasoo buu yiri aan u adeegeyn danaha dadka Soomaaliyeed.

“Dalkeennu wuxuu maanta ku jiraa xaalad adag, gudaha iyo dibaddaba. Maanta ayaana ugu baahi badannahay midnimo iyo wadajir. Waxaan madaxda dalka ugu baaqayaa in ay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara qarannimadeenna iyo midnimada umaddeenna, arrimaha masiiriga ah ee wax-ka-beddelka dastuurku ugu horreeyana laga gaaro talo mideysan iyo go’aan loo dhan yahay” ayuu intaas ku daray.

HOOS KA DAAWO HADALKA KHAYRE

 

Related posts

Madaxweyne Trump oo isticmaalay Daawo marar badan ay ka digeen dhaqaatiirta

Cabdi Cade

Kabtanka Manchester United oo lagu xiray Jaziirada Mykonos iyo Dambiga uu galay oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Maleeshiyaadkii ku dagaalami jiray Marka oo Xabadka is galiyay iyo Farmaajo oo la hadlay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---