Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin Khabiir ku ahaa Qaraxyada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen nin la sheegay in uu khabiir ku ahaa sameynta qaraxyada.

Qoraal kasoo baxay Hay’ada nabad sugida ayaa lagu sheegay in shalay oo taariikhdu ku beegneyd 23-ka bisha October ciidamada NISA ex-control kasoo qabteen nin katirsan Al Shabaab oo khabiir ku ahaa qaraxada.

”Ciidanka Amniga, ayaa maanta oo ku beegan 23-ka Octoobar, kasoo qabtay X-koontarool xubin ee AS ah oo khabiir ku ah qaraxyada. Holwgalkaan wuxuu qeyb ka yahay dadaalada lagu sugayo amniga. Aan si wadajir ah uga hortagno qarax maleegayaasha” ayaa lagu yiri qoraalka NISA kasoo baxay.

Hay’ada Nabad sugida ayaa mudooyinkan shaacineysay in magaalada Muqdisho lagu qab qabtay xubno katirsan Al Shabaab , mana jiro faah faahino badan oo laga bixiyo xubnaha la sheegay in la qabtay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tiro Madaafiic ah oo goordhaw lagu garaacay Madaxtooyada iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

(Sawirro) Qarax ka dhacay tartan ay ka qeyb galayeen ciyaartoy ka kala timid 13 dal

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay Magacyada iyo Qabiilada labo kamid ah ragii fuliyay Weerarkii lagu dilay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---