Maxkamada gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun dil ah ku riday gacan ku dhiigle Cabdixakiin Axmed Cigaal oo lagu soo eedeeyey inuu dilay weriye samafale Cabdixaxiin Axmed Bulxan oo dhowaan lagu dilay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Dhegeysiga dacwada ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybhaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka gobolkaas.
Cabdixakiin Axmed Cigaal ayaa Maxkamada ka hor qirtay inuu si bareer ah u dilay weriye samafale Cabdixaxiin Axmed Bulxan ka dib markii uu ku furay rasaas.
Cabdikariin Axmed Bulxan oo ahaa saxafi ka tirsan Telafishinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa u geeriyooday dhaawac soo gaaray ka dib rasaas uu ooda kaga qaaday ninkan oo waardiye ka ahaa xarun lagu xanaaneeyo agoonta oo ku taalla degmada caabduwaaq taasoo uu gacanta ku hayey samafalaha la dilay.