Allbanaadir.com
NEWS

Buuxinta kuraasta banaan ee Golaha shacabka Somalia oo go’aan laga soo saaray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 16-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Qaraarka Buuxinta Kuraasta ka Bannaan Golaha Shacabka.

Guddooomiye Sheekh Aadan Madoobe oo warbixin ka siiyay Xubnaha Guddiga Joogta ayaa la wadaagay xaalada guud ee dalka gaar ahaan shuruucda hortebinta u leh guud ahaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee horyaala Golaha.

Sidoo kale xubnaha Guddiga ayaa ka dooday isla-markaana ansixiyay Qaraarka Kuraasta ka Banaan Golaha Shacabka in la soo buuxiyo, si loo helo mataalada shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

RW Khayre & Wafdigiisa oo caawa soo gebagebeeyey booqashadii Addis Ababa

Caydiid Ali

Puntland oo si kulul uga hadashay dagaaladii ka dhacay Guriceel iyo Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Wiil Soomaali ah oo Toorey lagu dilay Magaalada Gummersbach iyo Booliska oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---