Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Sargaal katirsanaa Al Shabaab iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo la dilay

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay in ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay dileen sargaal katirsanaa Al Shabaab iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Cadow Cabdirxamaan Jugle oo ah Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Degmada Waajid, ayaa sheegay in ciidamada amaanka howlgal ku dileen sargaal katirsanaa Al Shabaab iyo ilaaladiisa sidoo kale hub kasoo furteen.

Mr Jigle ayaa sheegay in la dilay Macalin Deerow oo ahaa sargaal katirsan Al Shabaab iyo sadex kamid ah ilaaladiisa, waxa uuna intaa ku daray in ciidamada gacanta kusoo dhigeen afar qori oo nuuca AK-47 .

Howlgalka lagu dilay sargaalkan katirsan Al Shabaab iyo ilaaladiisa ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Lafoole oo qiyaastii 30-KM ujira degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Al Shabaab ayaan wali ka hadlin dilkan la sheegay in loo geestay sargaal kooxdooda katirsanaa, maamulka Koonfur Galbeed ayaa marar badan sheegay in ay dileen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Dhul ku wareejiyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka

Cabdi Cade

Diyaarad Sida Maxaabiis Soomaaliyeed oo maanta kasoo dageysa Muqdisho

Cabdi Cade

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo duulaan ku qaaday magaalada Guriceel

Cabdi Cade
Taboola Ads ---