Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada ciidanka Jubbaland oo la horkeenay rag ku eedeysan dilka C/llaahi Dalab

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta la horkeenay eedeysanayaasha kala ah Maxamed Ibraahim Cali,  Ilyaas Maxamed Xassan, iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Cabdiraxmaan oo ku eedeysan in ay ka wada qeyb qaateen dilka AUN Marxuum Sheekh Cabdullaahi Maxamed Maxamuud (Cabdullaahi Dalab) kaasoo lagu dilay bartamaha suuqa magaalada Kismaayo bishii June sanadkii 2016-ka.

Eedeysanayaasha kala ah Maxamed Ibraahim Cali, Ilyaas Maxamed Xassan, Cabdimaalig iyo Salmaan oo baxsad ah waxa ay kasoo kala jeedaan gobollada Banaadir, Baay iyo Jubada hoose, marka laga reebo labada baxsadka ah oo maxkamadda ka soo muuqanin maanta.

Labada eedaysane ee kala ah Maxamed Ibraahim Cali iyo Ilyaas ayaa qirtay eedaymaha dul hoganaya ee xafiiska xeer ilaalinta ku soo oogay

Halka eedeysanaha saddexaad Cabdullaahi Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Cabdiraxmaan uu ganafka ku dhuftay oo diiday inuu wax lug ah ku lahaa eedaha uu u soo jeediyay xafiiska xeer ilaalintu.

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa lagu wadaa iney xukun ku rido raggan marka ay dhamaato dhegeysiga dacwadaha loo heysto oo hadii lagu helo ay ku muteysan karaan dil toogasho ah.

Related posts

Axmed Madoobe oo ka hadlay Xildhibaanada cusub ee loo dhaariyey Jubbaland

Caydiid Ali

Toogasho dad lagu dilay oo ka dhacday Jaamacad ku taalla Wadanka Turkiga (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo goordhay bilaabaneysa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---