Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidanka Dhulka iyo Saraakiil kale oo abaabul u tagay Shabeelaha Hoose (Sawirro)

Taliyaha ciidanka dhulka ee XDS Gen Dayax Cabdi Xabdulle, madaxa hogaanka howl gelinta ee CXD g/dhexe Cali Aaden,Taliyaha guutada 14 Oct G/le dhexe Nuur Maxamed Gaabow (Nuurfarey), ayaa gaaray deegaanka Bariire ee gobalka Shabelada Hoose.

Liiban Yuusuf Garre Taliyaha ururka 18 aad guutada 6aad qaybta 60aad ee CXD ayaa deeganka Bariire ku soo dhaweeyay saraakiishan oo safar dhulka ah ku maraya qayb ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Masuuliyiinta ayaa boodqay fadhiisimaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Bariire, waxa ayna saraakiisha iyo ciidankoda kala hadleen nooleynta iyo sara u qaadida dagaalka lagula jiro Nabad diidka.

Taliyaha oo goob fagaara ah kula hadlay ciidanka ayaa sheeegay in markaan loo baahan yahay in is bedel wayn ciidankani ay ka keenaan dagaalka lagula jiro argagixisada Al Shabaab.

Taliyaha ayaa dhanka kale booqday ciidanka ATMIS ee fadhigiidu yahay deegaanka Bariire, shir saacad qaatay oo halkaas ka dhacayna waxaa lagu gorfeeyay ka qayb noqoshada dagaalka ciidanka xoogga dalka ay ku la jiraan argagixisada kana socda Shabelada Hoose.

Related posts

Dowlada Kenya oo shaacisay talaabo cusub oo ka dhan ah Soomaaliya

Caydiid Ali

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ka hadlay dacwada Badda ee maanta bilaabatay

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo kormeer shaqo maanta sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---