Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo xabsi kasii deysay 35-nin oo u dhashay dalka Iiran oo xirnaa

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsi kuyaalla dalka kasii deysay 35-nin oo kaluumeesato kasoo jeeda dalka Iran, kuwaa oo lagu qabtay biyaha Soomaaliya iyaga oo ku jira kalluumeysi sharci-darro ah.

Ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in xabsiga laga sii daayay 35-nin oo bad-maaxiyiin Iran ah , kuwaa uu sheegay in dalkooda hooyo dib loogu celinayo .

Safiirka Iran u fadhiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ali Gholampour ayaa dhankiisa xaqiijiyay sii deysmada bad-maaxiinta kasoo jeeda Iran, waxa uuna sheegay in raggaasi dib ugu laaban doonaan dalkooda.

Soomaaliya ayaa marar kala duwan lagu xiray bad-maaxiyiin kasoo jeeda dalka Iran, kuwaa oo lagu qabtay biyaha Soomaaliya iyaga oo jilaabasho sharci-darro ah ku jiray, waxaana muddo ku xirnaayeen xabsiyo kuyaalla gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Deni oo xeer ku soo saaray dhismaha hey’ad cusub (Akhriso)

Cabdi Cade

War cusub oo kasoo kordhay nin shan gabdhood oo Soomaali ah dilay

Cabdi Cade

Taksiile Soomaali ah oo lagu dilay dalka Maraykanka iyo Booliska oo baaritaan wada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---