Allbanaadir.com
NEWS

Sirdoonka Somaliland oo Hargeysa ku qabtay askari katirsanaa ciidanka Khaatumo

Ciidanka sirdoonka maamulka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay nin ay sheegeen in uu katirsanaa ciidankii Khaatumo ee dagaalka xooggan kula galay magaalada Laacaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qoraal kasoo baxay taliska hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in ay qabten Cawil Daarood Yuusuf oo ay sheegeen in ay in muddo ah ku daba jireen .

Sirdoonka Somaliland ayaana ninkan ay qabteen ku eedeeyay kamid ahaa ciidankii Somaliland kula dagaallamay Laascaanood, waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen in si ka baxsan xeerarka dagaalka ula dhaqmay maxaabiis Somaliland dagaalka looga qabtay.

Ninkan ay qabteen ciidamada Sirdoonka Somaliland ayaa la sheegay in muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Hargeysa, waxaana ninkan baraha bulshada lagu baahiyay sawirro muujinaya isaga oo hubeysan qeybna ka ahaa ciidanka Khaatumo.

Maamulka Somaliland iyo Khaatumo ayaa kala heesta maxaabiis badan ay ku jiraan saraakiil ciidan oo caan ah, mana jiro wax waan waan ah ay labada dhinac ka galeen sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista dagaal ay kala heestaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Sufurow oo abaabul ka bilaabay furumaha dagaalka G/Hiiraan (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyihii Booliska gobolka Cayn ee Puntland oo la xiray & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Masuuliyiin kormeeray degaan dhowaan laga saaray Al-Shabaab (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---