Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa mar kale ka hadlay dilka xubno katirsan Sirdoonka dowlada Sacuudiga magaalada Istanbuul ugu geesteen Wariye Jamal Khashoggi oo mucaarad weyn ku ahaa Boqortooyada maamusha Sacuudiga.
Donald Trump ayaa ka hadlay jawaabtii dowlada Sacuudiga ka bixisay dilka Wariyaha loo geestay, waxa uuna sheegay in dilka Wariyaha loo qariyay qarinti abid ugu xumeyd oo lagu qariyo fal dil ah oo dhacay.
Madaxweyne Donlad Trump ayaana si adag ugu hanjabay kooxdii ka dambeesay dilka Wariyaha, waxa uuna cadeeyay in ciqaab xun la kulmi doonto cid walbo oo wax ka maleegtay dilkaasi foosha xun.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo oo isna ka hadlay dilka Wariye Jamal ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay ciqaabeyso dadkii ka dambeeyay dilka Wariyaha Mucaaradka ku ahaa dowlada Sacuudiga.
Waxa uu sheegay Mike Pompeo in dowlada Mareykanka fiisaha dal ku galka Mareykanka kala laabaneyso 21-qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen dilka Jamal Khashoggi.
Boqortooyada Sacuudiga waxaa kusii kordhaya cadaadiska kaga imaanaya wadamada Caalamka, waxaana dilka Wariye Jamal Sacuudiga u horseeday mushaakil xoogan oo ay la’dahay wali qaab ay u maareyso.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com