Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidanka dhulka oo tagay xerada Arbacow amarna siiyay ciidanka jooga (Sawirro)

Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay taliyaha ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa socod isugu jira kormeer iyo dhiiro-gelin ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga oo ku sugan xerada Arbacow ee gobalka Shabeellada Hoose.

Taliyaha ayaa ciidanka u sheeegay in la doonayo in kaalin mug leh ay ka qaataan la dagaalanka Al Shabaab, isagoo saraakiisha iyo askarta faray in sare loo qaado howlgalka lagu baacsanayo argagaxisada ee ka socda Shabeellada Hoose.

Waxa uu saraakiisha iyo ciidanka uu la kulmay taliyaha u sheegay in diyaar u noqdaan howlgalo cusub oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo la bilaabayo, waxa uuna ciidanka amray in dagaal u diyaar garoobaan.

Kormeerka taliyaha ku tagay xerada Arbacow ee kutaalla gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kusoo aadeysa xilli shalay Al Shabaab weerar culus ku qaadeen xero ciidanka dowladda kaga sugnaayeen deegaanka katirsan Sh. Hoose laguna dilay saraakiil ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo beenisay in Shil diyaaradeed uu ka dhacay garoonka Aadan Cadde

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo lagu wareejiyay sargaal katirsaa Al Shabaab oo la qabtay

Cabdi Cade

Haweeney u dhalatay dalka Shiinaha oo Rekoodh cusub dhigtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade