Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi ayaa gaaray deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellada Hoose oo shalay ay weerareen al shabaab
Saraakiishaan ayaa soo kormeeray goobihii shalay lagu dagaalamay ka dib weerar ay al shabaab ku soo qaaday xero ciidan oo oo milateriga DF ku lahaayeen halkaas.
Dagaalka culus ee ka dhacay deegaanka Dhanaane ayaa la sheegay in khasaare uu ka soo gaaray ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al shabaab ee weerarka soo qaaday
Weerarka oo ku bilowday qaraxyo Al-Shabaab waxa ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Busleey oo ku aadan xeebta Jazeera ee koonfurta Muqdisho.
Saldhiga la weerary ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen cutubyo kala duwan oo isugu jira Militariga Somaliya, Booliska sida militariga u tababaran, iyo Nabad Suggida, ayaa waxaa la sheegay in ay gudaha u galeen dableyda.
Sargaal sare oo ka tirsan ciidamada Milatariga oo magaciisa lagu sheegay Liibaan Golcad ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarka. Sidoo kale waxaa la sheegay in tiro ciidan ah la la’yahay weerarka kadib.
Al-Shabaab ay sheegatay in ay ku dishay in ka badan 57 askari, in kasta oo aan la xaiijin karin sheegashadooda. Dawladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dhacdadaan.
Weerarkaan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ciidamada Booliska ee sida milataariga u tababaran iyo kuwa gaarka ah ee Haramcad ay howlgalo ka wadeeb duleedka magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda oo baryahaan u muuqday in ay xasiloonayana amni ahaan, ayaa weerarkaan iyo kii qaraxyada ku bilowday ee todobaadkii hore ka dhacay hotel ku yaalla gudaha caasimadda, waxay muujinayaan in weeraro dhimasho sababa oo ay soo qaadaan kooxda al Shabaab ay mar walba suuragal yihiin.
Soomaaliya ayaa wali waxaa ka socda guluf ka dhan ah ururka al Shabaab, kaaso oo ciidamada dawladdu ay kula dagaalamayaan kooxda deegaanada miyiga ah iyo tuulooyinka yaryar.