Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo xilkii ka qaaday Gudoomiyihii G/Hiiraan, mid cusubna ku bedelay

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo isbeddel ku sameeyay hoggaanka sarre ee maamulka gobalka Hiiraan ee Dowladda Hirshabeelle.

Wareegto ka soo baxday Cali Guudlaawe ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii gobolka Hiiraan, iyadoo isla wareegtada lagu magacaabay gudoomiye cusub

Talaabadan uu qaaday Cali Guudlaawe ayaa ku soo aadeysa xili masuuliyiin iyo ciidamo ka tirsan maamulka Hirshabelle ee goboolka Hiiraan dhowaan dagaal looga saaray magaalada Baladweyne ka dib dagaal ay la galeen ciidamo taabacsan Cali Jeyte Cisman oo ah la taliyaha Madaxweyne Xassan Shiikh ee arrimaha ciidamada Macawisleyda, sidoo kale sheegta Madaxweynaha maamul la baxay Hiiraan state.

Related posts

Jabuuti oo soo saartay Qoraal Niyad jab badan ku riday Shirkada DP World

Cabdi Cade

Xabsi Qurux badan oo dhismihiisu ka socdo Duleedka Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qoys Kenyan ah oo Dhulkooda u iibinaya Al Shabaab iyo Sababta ka dambeysa (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---