Allbanaadir.com
NEWS

Dadka ku dhintay Weerarkii ka dhacay Tiyaatarka Ruushka oo 110-qof kor u dhaafay

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerarkii xalay koox hubeysan oo katirsan Daacish ku qaadeen tiyaatar uu ka socday bandhig faneed oo kuyaalla magaalada Crocus ee dalka Ruushka.

Tirada dhimashada ayaa hadda kor u dhaaftay 110-qof, halka dhaawacana uu intaasi kasii badan yahay, waxaana laga cabsi qabaa in inta hadda la ogyahay kasii bataan khasaaraha dhimasho ee weerarka ka dhashay.

Gudoomiyaha gobolka Moscow,Andrei Vorobyov, ayaa sheegay in ay wadaan dedaalo lagula tacaalayo dadka waxyeelada kasoo gaartay weerarka tiyaatarka ka dhacay, waxa uuna sheegay in suurto gal tahay in khasaaraha sii kordho.

Goobta weerarka lagu qaaday oo aheyd tiyaatar ay dad badan ku sugnaayeen ayaa mar qura waxaa lagu ekeeyay weerar ay fuliyeen shan nin oo qoryo iyo bambooyin ku hubeysnaa, waxaana dab uu qabsaday saqafka kore ee tiyaatarka.

Kooxda Islaamiga ah ee Daacish ayaa sheegatay masuuliyada weerarka ka dhacay duleedka magaalada Moskow, waxaana weerarkan Ruushka ka dhacay si kulul u cambaareeyay qaar kamid ah madaxda waddamada caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Lataliyaha Madaxweyne Farmaajo laga helay Caronavirus ?

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xarigga ka jaray Waddo kutaala Muqdisho oo dib loo dhisay (Sawirro)

Cabdi Cade

Jidka dheer ee Boosaaso & Gaalkacyo oo go’ay & Xaalad adag oo ka taagan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---