Allbanaadir.com
NEWS

Burcad-badeedii Soomaaliyeed ee afduubatay Markabkii MV Ruen oo la geeyay Mumbai (Sawirro)

Ciidamada badda dalka Hindiya ayaa ka dejiyay magaalada Mombai ee dalkaasi 35-nin oo ahaa burcad-badeed Soomaali ah, kuwaa la qabtay iyaga oo afduub ku heesta markabka lagu magacaabo MV Ruen.

Howlgal guuleestay oo ciidamada badda dalka Hindiya ka fuliyeen gudaha markabka MV Ruen ay heesteen burcad-badeed Soomaali ah ayey kusoo bad baadiyeen shaqaalihii markabka, waxa ayna xireen 35-nin oo kamid ahaa burcad-badeedii afduubka geesatay.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda Hindiya, oo lagu magacaabi Vivek Madhwal, ayaa sheegay in kooxda burcad-badeedda Soomaalida laga dejiyay magaalada Mobai, waxa uuna sheegay in halkaasi ka bilaaban doonto maxkamadeynta burcad-badeedaasi.

Burcad-badeeda Soomaalida ayaa wajihi kara xukunno adag oo isugu jira dil, xabsi daa’in ama sannado badan oo xabsi ah, haddii lagu helo in ay geesteen dil ama isku day dil iyo sidoo kale afduub.

Ciidamada badda Hindia ayaa awood ciidan u adeegsaday soo qabashada burcad-badeeda Soomaalida oo isku dayay in ay is difaacaan, waxaana lasoo furtay markabkii ay qafaasheen bishii December iyo shaqaalihii saarnaa.

Burcad-badeeda la geeyay dalka Hindiya ayaa qafaashay markabka  MV Ruen oo laga leeyahay dalka Bulgaariya, balse ku gooshayey calanka dalka Malta, kaas oo burcad baddeed Soomaali ah ka soo afduubeen biyaha caalamigaa dhammadkii sanadkii 2023-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Senator Fartaag oo ka soo horjeestay muddo kororsiga Axmed Madoobe

Caydiid Ali

Askar Faransiis ah oo ku dhamaatay shil dayuuradeed oo ka dhacay dalka Mali

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray xarun cusub oo loogu talo galay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---