Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoonkii ku caan baxay Laftinagaa ee booqday Hargeysa oo gurigiisa la weeraray

Ciidamo katirsan booliiska gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya ayaa weerar ku qaaday guri uu magaalada Maqii ka degnaa nabadoon Goban Hoola oo kamid ah nabadoonnada caanka ah ee kasoo jeeda qowmiyada Oromada Itoobiya.

Nabadoon Goban Hoola ayaa sheegay in ciidanka galay gurigiisa doonayeen in ay dilaan  ayna halkaasi ka sameeyeen baaritaanno aysan fasax u heysan, waxa uuna sheegay in ciidanka galeen qolkiisa jiifka ayna halkaasi ka qaateen agab aabihiis uga dhintay.

“Waxaan gudaha u galeen qolkeygii jiifka iyaga oo u jeedkoodu ahaa in ay i dilaan. Nasiib wannaag waan ka maqnaa guriga xilligaas, waxay qaateen ciidanka shey aabaheey dhaxal ahaan ii siiyay. Qoyskii oo dhanna way argagaxeen.”ayuu yiri nabadoon Goban Hoola.

Madaxa Booliska magaalada Maqii ee gobolka Oromia oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in ciidamada qorsheeyeen in ay dilaan nabadoonka, waxa uuna sheegay in guriga ay galeen ciidanka aysan ka dhicin wax xabbad ah iyo dhibaato kale intaba.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in guriga nabadoonka ku galeen fasax maxkamadeed, waxa ayna sheegeen in baarista meelo badan lagu sameeyay ayna jirin bartilmaameed gaar ah oo la doonayay in nabadoonka lagu dhibaateeyo.

Warka kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in baaritaanka lagu sameeyay guriga nabadoonka uusan aheyn markii ugu horreysay, waxa ayna xuseen in horey u baareen ugana heleen guriga labo qoray oo markii dambe dib loogu celiyay nabadoon Hoola.

Waxa uu sheegay nabadoonka la weeraray in marar badan horey loogu hanjabay in la dili doono lana dhibaateyn doono qoyskiisa, waxa uuna tilmaamay in hanjabaada dadka ay uga imaaneysay ay ku jiraan masuuliyiin.

Nabadoonkan gurigiisa la weeraray ayaa sannadkan bilowiisa booqasho ku tagay magaalada Haragysa ee caasimadda Somaliland, waxa uuna halkaasi ka jeediyay duco caan noqotay ay ku jirtay kalimada ”Laftinagaa”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiikh Shaakir & Xildhibaano Mucaarad ah oo caawa ku kulmay Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali

Gaashaanle Sare Cali Cosobow Calasow oo geeriyooday iyo Duqa Muqdisho oo ka hadlay

Cabdi Cade

Ciidamada Ukraine oo lagu eedeeyey iney laayeen askar Ruush ah oo isu dhiibtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---