Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo gaaray degmada Xarardheere (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Milateriga Soomaaliya S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow iyo Wafdi saraakiil ah oo Hogaaminayay ayaa gaaray Degmada qadiimiga ah ee Xarardheere gobolka Mudug

Taliyaha ayaa si weyn waxaa ugu soo dhaweeyay Xarardheere saraakiil iyo askar ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxuuna noqday Taliyihii ugu horeeyay ee Xoogga dalka ah ee gaaray Magaalada Xarardheere tan iyo Qaran burburkii.

Xarardheere ayaa gacanta cadawga laga saaray 16, Bishii January 2023, waxaana gacanta ku haaya Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo xoogaga Macaawisleyda ee deegaanka.

Taliyaha ayaa ku dhiiragaliyay inay u diyaar garoobaan baacsiga kooxda al Shabaab oo weli degaano kooban ka jooga gobolada dhexe ee dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa furimaha Hore ee dagaalka ayaa waqti badan la qaadanaya Ciidamada jiida Hore ku sugan, waxaana socda diyaar garow deegaano hor leh ku wajahan.

Related posts

Sheeko Jaceyl: Dhimasho ayaan ka xigaa in aan Dib kusoo Jeclaado (Qeybta 4-aad)

Cabdi Cade

Masuuliyiin katirsan dowlada Federaalka oo maanta kusii jeeda Dhuuso Mareeb iyo Ujeedka …

Cabdi Cade

Shirkad Diyaaradeed oo 75-sano kadib Hawada ka baxday iyo Sababta keentay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---