Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Xassan Shiikh oo tartan cusub ka daahfuray Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa tilmaamay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta xarumaha waxbarashada diiniga ah, isla markaana dowladnimada Soomaaliyeed ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay wiilasha iyo gabdhaha ka qeyb-galaya Tartanka Quraanka Kariimka ah ee uu hirgaliyay Madaxweynaha JFS, culimada  iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee soo qaban qaabisay waxaa uuna tilmaamay in ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay wajiga 2aad ee adeegga 5G, oo ay Shirkadda Hormuud ka hirgelisay Caasimadda iyo Gobollada Dalka.

Adeeggaan isgaarsiineed ee 5G ayaa ah mid faa’iido weyn u leh horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga, waxbarashada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee isgaarsiinta.

Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud.

Related posts

Xisbiyada dalka yeelanayo oo la kordhiyay iyo cidda R/W magacaabeysa xilkana ka qaadeysa oo…

Cabdi Cade

Xukuumada Somalia oo daahfurtay qorshaha 9aad ee Horumarinta Qaranka (Sawirro)

Caydiid Ali

Natiijada Baaritaankii lagu sameeyay Shaqaalaha G/Banaadir oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---