Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka XDS oo degmada Ceeldheer ka bilaabay abaabul dagaal (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud

Wuxuu kulama kala duwan halkaas kula qaatay saraakiisha Ciidamada Milateriga ee Ceeldheer ku sugan in mudda ahna difaacayay.

S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa ciidamada faray inay diyaar garoobaan iskuna diyaariyaan Howlgalka dagaal ee ka dhanka ah al shabaab oo weli ku sugan meelo kooban oo ka tirsan gobolkaas.

Ceeldheer ayaa ka mid ah degmooyinka gobolka Galgaduud ee ay mudada dheer ka talinayeen Al shabaab ka hor inta aysan dhowr bilood ka hor la wareegin ciidamada xoogga dalka, waana degaanka uu ka soo jeedo Maadaxweyne Xassan Shiikh.

Related posts

Maraykanka oo Shaaciyay sababta uu u baajiyay tababarkii ciidan ee Berbera

Cabdi Cade

DF oo War ka soo saartay xanibaada Mareykanku saaray xubno ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Tartan Cajiib ah u qabatay Odayaal ku dhaqan Jubooyinka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---