Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda dal Afrikan ah oo laga mamnuucay safarada Dibadda iyo Sababta keentay

Madaxweynaha dalka Nageria Bola Tinubu ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo safarada dibadda ah ee u baxaan wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee dalkaasi, kaddib markii ay korortay lacagta ku baxeysa safaradaasi.

Bola Tinubu ayaa walaac ka muujiyay dhaqaalaha tirada badan ee ku baxaya safarada dibadda ah, waxa uuna sheegay in dhaqaalaha ku baxaya safarada yihiin kuwa laga maarmi karo oon muhiim aheyn.

Mamnuucida safarada dibadda ee wasiirrada iyo madaxda kale ee dowladda Nageria ayaa bilaabaneysa 1-da bishan soo socota ee April, waxaana dowladda Nageria lagu dhaliilay dhaqaalaha badan ee safarada ku bixiyaan.

Madaxweynaha dalka Nigeria ayaa la sheegay in ugu yaraan 3.4bn naira ($2.2m) uu ku bixiyay safarrada gudaha iyo dibadda lixdii bilood ee ugu horreysay ee uu madaxweynaha ahaa, taas oo ka badan 36% miisaaniyadda sannadka 2023.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waddo xiriirisa sadex degmo oo kutaala Muqdisho oo dib loo dhisay xarigana laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Tirada Soomaalida & dalalka kale ee laga tarxiilayo Mareykanka

Caydiid Ali

DF oo Shaacisay magacyada Saraakiisha Al Shabaab laga dilay, kuwa la dhaawacay iyo kuwa is dhiibay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---