Allbanaadir.com
NEWS

Shirkii Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo arrimo muhiim ah maanta looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay amniga dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu bogaadiyey guulaha ciidamada amniga iyo kuwa xoogga dalka ay ka gaareen dagaalka dalka loo sifeynayo kooxaha nabad-diidka ah ee baneystay nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, golaha ayaa ka dhageystay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha warbixin sanadeedka-2023 guulihii laga gaaray Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka.

Shirka golaha Wasiirrada ee maanta ayaa la filayay in ay kasoo baxaan go’aanno dhinaca amniga iyo sidoo kale isbedel lagu sameeyo qaar kamid ah taliyaasha ciidamada dowladda oo lagu eedeeyay in shaqadooda ku fashilmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ing. Yariisow oo ka waramay qorshaha Maamulka G/Banaadir hor dhigayo Shirka Brussels (Daawo Video)

Caydiid Ali

(Sawirro) Golaha Wasiirada KG oo kulankoodii ugu horeeyey kaga hadlay qodobo xasaasi ah

Caydiid Ali

DF oo dib u dhigtay Imtixaanka shahaadiga ee ardada Magalada Baladweyne (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---