Allbanaadir.com
NEWS

Ammaanka Muqdisho oo sii xumaanaya iyo burcad hubeysan oo kusoo badanaya

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid sii xumaanaya muddooyinkii ugu dambeeyay, xilli dowladda sheegtay in magaalada ka howl bilaabeen ciidamo sugaya amniga inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Degmooyinka qaar ayaa waxaa kusoo badanaya kooxaha burcada hubeysan oo qaarkood xiran dareeska ciidanka dowladda, kuwaa oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesanaya dadka shacabka ah .

Burcad hubeysan ayaa la sheegay in xalay kaliya xaafado badan oo kuyaalla magaalada Muqdisho dad shacab ah ugu geesteen dhac, waxa ayna ka qaadanayeen moobeelada xilli dakan qaarkood kasoo laabanayeen masaajida oo tarawaiix kusoo dukadeen.

Ciidamada nabad sugida ee ka howlaga degmada Cabdicasiis ayaa la sheegay in xalay dileen mid kamid ah burcad dad shacab ah dhac u geestay halka mid kalana dhaawaceen, waxaa sidoo kale baxsaday kooxo kale oo iyana dhac ka geestay degmooyin kale.

Burcada hubeysan oo bilihii lasoo dhaafay laga nabad galay kaddib markii la qabtay qaar badan oo kamid ah ayaa mar kale magaalada dib ugu soo laabtay, waxaana loo aaneenayaa burcada oo intooda badan marka la xiro kaddib si fudud loo soo daayo.

Kooxaha burcada ayaa dhaca ka sukow waxa ay mararka qaar dil iyo dhaawac u geestaan shacabka ay moobeelada iyo agabyada kale ka furanayaan, waxaana inta badan baxsada burcada oo isticmaala mootooyinka loo yaqaan Bajaaj iyo sidoo kale Fekon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Afrikaan ah oo dalkeeda ka Mamnuucday isticmaalka Aalada Tiktok

Caydiid Ali

Gabar Soomaaliyeed iyo Jilaa qaba oo oo taagero u raadinaya dalal ay Soomaaliya ku jirto

Cabdi Cade

DF oo diyaarisay dhaqaale lagula tacaalo Coronavirus & Goobaha Waxbarashada oo la xirayo

Caydiid Ali