Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Shaaciyay in ansixinta Dastuurka meesha ka saareyso Musharaxiintii Shisheeyaha wateen

Ansixinta iyo wax ka bedelka Dastuurka ayaa xilligan waxaa ka jira khilaaf xooggan, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa ayaana dedaal badan ku bixinaya sidii Dastuurka loo ansixin lahaa, halka siyaasiyiinta mucaaradkana si weyn uga soo horjeedaan.

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Dastuurka KMG ee hadda la doonayo in wax laga bedelo isaga naftiisa sheegayo in in uu furan yahay wax ka bedelkiisa uuna caddeenayo cutubka 15-aad.

Waxa uu sheegay Wasiir Fiqi haddii la ansixiyo Dastuurka wax ka bedeliiisa lana helo Dastuur sax ah in ay meesha ka bixi doonaan siyaasiyiinta sheegta in ay wataan dowlado shisheeye uuna soo hari doono midkii kusoo baxa codka dadweynaha.

”Baroortu orgiga ka weyn, dastuurkan haddii wax ka bedelkiisa la ansixiyo oo aan helno dastuur barlamaankeenu uu markii koowaad taariikhda 63 sano ka dib, wuxuu soo afjarmaya gebi ahaanba siyaasi yiraahda dawlad hebel ayaa i wadata ama laaluush ayaan kursiga ku tagayaa, waxaana dalka taladiisa qabanaya oo kaliya qofkii shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay wataan codkoodana ku aaminaan ama ha ahaado madaxweyne ama xildibaan heerarka kala duwan ee maamulka dalka” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaana ku baaqay in dalka lagu kalsoonaado loona jiheesto kalsooni ka raadsashada shacabka Soomaaliyeed oo diyaar u ah in 54-sanno kaddib si dimuquraadi ah usoo doortaan madaxdooda.

Mucaaradka dowladda oo ay ugu horreeyaan madaxdii hore ee dalka soo maray ayaa kasoo horjeeda wax ka bedelka Dastuurka iyo ansixintiisa, waxa ayna kasoo horjeedaan qodobo laga saaray Dastuurka iyo kuwa cusub oo hadda lagu soo daray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo qaaday talaabadii 1aad ee lagu soo afjarayo khilaafkii DF & Jubbaland ee Gedo

Caydiid Ali

Dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo Liyuu Booliis oo ka socda Afdheer

Cabdi Cade

Haweeneydii ugu horeysay oo caawa garsooreysa ciyaar ka tirsan Koobka Dunida (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---