Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo amar siiyay Golihiisa Wasiiradda iyo olole xooggan oo socda

Olole xooggan oo la doonayo in lagu kala fur furayo xildhibaanada diidan ansiixnta wax ka bedelka Dastuurka ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxa ayna ololahan xoogooda ka socdaan xafiisyada Madaxweynaha iyo tan Ra’isul wasaaraha.

Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaana doonaya in lakala fur furo in ka badan 70-xildhibaan oo katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, kuwaa oo caddeeyay in ay kasoo horjeedaan wax ka bedelka Dastuurka iyo qorshaha la doonayo in lagu ansixiyo.

Kulamo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha  ku qaabileen xildhibaano kala duwan, waxa ayna ku qancinayeen in ay ansixiyaan wax ka bedelka Dastuurka, iyagoona ballanqaaso u sameenayay.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa kulamo hoose la qaatay golihiisa wasiiradda, waxa uuna ku amray xildhibaanada wasiiradda ah in ay ka qeyb qaataan ansixinta Dastuurka, sidoo kale u ololeeyaan sidii loo ansixin lahaa wax ka bedelka Dastuurka.

Xamse Barre ayaa sidoo kale ku amray wasiiradda aan labada gole katirsaneyn in ay ka shaqeeyaan sidii xildhibaanada ku heybta ah ugu qancin lahaayeen meel marinta wax ka bedelka Dastuurka oo xilligan caqabad culus wajahaya.

Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaana si gaar ah u qaabilayay una raadinayay xildhibaanada diidan in Dastuurka la meel mariyo, waxa ayna u sheegayeen xubnahaasi in Dastuurka uusan aheyn kitaab Qur’aan waxna laga bedeli karo waxna lagu dari karo.

Dooda wax ka bedelka Dastuurka ayaa lasoo gabagabeenayaa maalinta Sabtida ee soo socota, waxa ayna xildhibaanada labada Aqal isku diyaarinayaan ansixinta wax ka bedelka Dastuurka, taa oo hadda xildhibaano badan kasoo horjeedaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlada oo loogu baaqay in Xayiraad kusoo rogto dalka iyo Sababta oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Duullimaadka Dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee Kenya oo la joojiyay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Rooble iyo labo kamid ah Madaxda Dowlad goboleedyada oo la kulmay Yamamoto (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---