Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/raxman C/shakur: “Waxaa ka socota Baarlamanka ciyaar garsooraha & laacibka hal qof isku yihiin”

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa dooda wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka ee ka socota baarlamanka ku tilmaamay ciyaar garsooraha iyo ciyaartoyga ay hal qof isku yihiin, taasoo uu sheegay in la sii ogyahay natiijadeeda.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda qaabka Dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh u wado dhameystirka dastuurka.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU KU BAAHIYEY BARAHA BULSHADA

Seddax cutub oo Dastuurka ayaa la saarayaa, halka 45 qodob iyo 97 faqradood wax laga beddelayo, iyadoo lagu soo derayo 19 qodob iyo 94 faqradood oo cusub oo aan ku jirin Dastuurkii asalka ahaa, waxaana la tirayaa 3 qodob iyo 26 faqradood.

Dhammaystir miyaa mise beddelaad?

Kalfadhi kasta ee Baarlamaan wuxuu ku guntamaa kooram 139 xildhinaan Golaha Shacabka ah, 28 Aqalka sare, haddii ay isku imaanayaan labada aqal waxaa laga rabaa 167. Doodaha dastuurka ee socda labo fadhi oo keli ah ayaa kooram loo helay, ka dibna waxaa la yiri kooram looma baahna ee hore ha loo socdo.

Ansixinta Dastuurka waxaa loo baahan yahay saddex dalool labo oo ah 220 Xildhibaan oo labada aqal ee Baarlamaanka isku raacaan. Maadaama aan la helaynin tiradaas, waxaa beddelkeeda lagu ansixinayaa farriin fiidiyow lagu soo duubay, ama qoraal lagu soo diray.

Xiiso ma laha ciyaar garsooraha iyo laacibka hal qof isku yihiin, sababtoo ah natiijadeeda ayaa la sii ogyahay, mase foga maalinka ay qoomamayn doonaan guddoonka Baarlamaanka ee danaha yar dhaafsiisanaya sumcadda iyo kalsoonida Baarlamaanka iyo Xildhibaannada ballanqaadyada sugaya.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shaaciyay in Tallaabooyin degdeg ah laga qaadayo Al Shabaab

Cabdi Cade

Muxuu Cali Guudlaawe ku soo arkay xarumaha Hirshabelle ee Jowhar? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada iyo maamul goboleedyada oo saxiixay Heshiiska Doorashada (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---