Boqorka Sacuudiga Salman bin C/casiis iyo dhaxal sugaha dalkaas Maxamed bin Salman ayaa qasriga boqortooyada dalkaas ku qaabilay wiil uu dhalay iyo nin la dhashay suxufigii Jamal Khashoqgi ee lagu dilay qunsuliyada sacuudiga ee magaalada Istanbul.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii ay tacsi u direen qoyska Saxafiga oo ay dileen Sirdoonka Sacuudiga oo ku dhex dilay 2-dii bishan
Oktoobar Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, waxaana amarka dilkaasi lagu tuhunsan yahay inuu bixiyay dhaxalsugaha Sacuudiga.
Wiilka uu dhalay Saxafiga Jamal Kashoqgi ayaa lagu magacaabaa Saalax Bin Jamaal Kashoqgi, halka walaalkiis lagu magacaabo Sahal Kashoqgi, waxayna qarsiga Yamama ee Boqortooyada magaalada Riyaad kula kulmeen Boqorka iyo wiilkiisa oo uga tacsiyadeeyey geerida Jamaal.
Waxa xusid mudan in qoyska Jamaal ay horey boqortooyada Sacuudiga saartay xayiraad dhinaca safarka ah, kadib markii uu bilaabay inuu wax ku qoro wargeyska Washington Post ee dalka Mareykanka, wuxuuna saaxiibadii u sheegay Jamal Kashoqgi in arrinta xanuunka ku heysa ay tahay safarka loo diiday wiilashiisa inay uga baxaan Sacuudiga.
Madaxda Sacuudiga ayaa jilaya riwaayad ay doonayaan iney ku marin habaabiyaan caalamka, iyagoo iska dhigaya ineysan waxba ka ogeyn dilka saxafigaas, waxayna xirxireen masuuliyiin ka tirsan sirdoonka dalkaas oo dhabarka loo saariyey iney masuul ka ahaayeen dilkaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com