Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaanadii ugu badnaa oo qaadacay dooda wax ka bedelka Dastuurka

Xildhibaano 70 ka badan oo ioo ka kooban labada aqal ee baarlamanka Somalia ayaa qoraal ay wadajir usoo saareen ku qaadacay hannaanka dib u eegista iyo wax ka bedelka Dastuurka oo dooddiisa ka socoto Baarlamaanka dalka

Xubnahan oo ay ku jiraan Madaxweynayaal hore ayaa sheegay in aan la raacin xeerarkii iyo habraacii lagu ansixin lahaa dib u eegista dastuurka, sidoo kalana hoggaanka Baarlamaanka uu si bareer ah u jebiyay xeer hoosaadyada iyo habraacan loo marayay dib u eegista Dastuurka.

Qoraalkan ay wadajirka u soo saareen xubnahan ayaa ku soo aaday, iyadoo todobaadka soo socdo lagu wado in la ansixiyo Wax ka bedelka Dastuurka oo uu gadaal ka riixayo Madaxweyne Xassan Shiikh.

HOOS KA AKHRISO QORAAL KU QORAN ENGLISH

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo si weyn u Boggaadiyay Garab istaaga OIC (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo hor leh oo laga qaaday Muqdisho oo saakay la geeyay Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo ka bilaabeysa Muqdisho howlgal cusub oo ka dhan ah labo kooxood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---