Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Deni kala hadlay taliyeyaasha hay’adaha Amniga Puntland? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Hay’adaha Amniga, sida Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta , Taliska Guud ee Ciidanka Booliska, Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta iyo Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Dowladda Puntland ee (PISA).

Madaxweynaha ayaa Sarakaashii Ciidamada ka dhegaystay warbixin Amni iyo qorsheyaasha u yaalla, wuxuuna faray in lasii dardargeliyo adkeynta Amniga. Dowladda Puntland ayaa Arrinta Amniga iyo Dhismaha Ciidanka siinaysa muhiimad gaar ah, waxaana lasii amba qaadi doonnaa dhameystirka shaqadii 5-ta sano ee hore laga qabtay tababarka, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Dowladda Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta  Wasiir Ku-xigeennada Wasaaradaha Waxbarashada, Qorsheynta iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo saaka ka qabsoomtay Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, iyadoo ay dhaarisay Maxkamadda Sarre.

Xubnaha la dhaariyey saaka ayaa kala ah:

  1. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre, Mudane Maxamed Diiriye Gamadiid.
  2. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Xasaan Ibraahin
  3. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Siciid Saalax Seed

Madaxweynaha ayaa Wasiiradda alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay sida ugu wanaagsan inay u gutaan  waajibaadka loo igmaday.

 

Related posts

Deni iyo Madax kale oo maanta ku soo wajahan Muqdisho iyo arrimo ku soo kordhay Shirka beri

Caydiid Ali

Qarax Khasaaro geestay oo lagu weeraray guriga Masuul katirsan maamulka Jubbaland

Cabdi Cade

Jen. Townsend: “Caqabada ugu weyn ee haatan ka jirta Somalia waa muddo kororsiga”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---