Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) oo lagu helay in uu dil bareer ah uu u geestay Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan 12-kii bishii Augost ee sannadkii 2022.
Dilkan ayaa la sheegay in uu ka dhax dhacay maqaayad lagu shaaho ee kutaal isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan, waxaana dilka sabab u ahaa muran salka ku haayay siyaasad oo soo kala dhaxgalay Marxuumka iyo dilaaga ayaa gaartay gacan ka hadal uu midi kaga dhuftay Wadnaha iyo Daanka.
Eedesanaha dilka geestay oo baxsad ka ahaa gacmaha sharciga ayaa soo gacan galay 28-kii bishii January ee Sanadkan, waxaana ninkan oo dhuumaaleysi ku jiray gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka.
Baaris dheer kaddib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday 18-kii bishii February ee Sanadkaan.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Dable xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com