Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada Diidan wax ka bedelka Dastuurka oo la kulmay Madaxweyne Xasan (Sawirro)

Xildhibaanada ku mideysan kudlada Toosin Qaran oo ay horkacayaan aas’aasayaasha Kudladaasi ayaa xalay kulan wadatashi ah qasriga madaxtooyada kula qaatay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo xilli danbe xalay soo gaaray ayaa diirada lagu saarayey xaalada guud ee Dalka gaar ahaan arrimaha amaanka iyo dhameystirka Dastuurka ay hada doodiisu ka socoto Xarunta Villa Hargeysa.

Madaxweynaha Dalka MD Xasan Sheekh ayaa xubnahaan ka dhageystay talooyin iyo aragtida ay ka leeyihiin dhameystirka Dastuurka iyo arrimaha amniga, iyadoo ugu danbeyntii ay isku afgarteen waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Dhinaca kale Kudlada toosin Qaran ayaa isla xalay la kulantay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe, iyagoo kala hadlay arrimo la xiriira Dastuurka iyo howlaha kale ee xiligaan horyaala Baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arrimaha dibadda Shiinaha iyo Elon Musk oo kulan Xasaasi ah yeeshay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xaaf oo goordhaw isaga baxay Dhuuso Mareeb iyo xog ku aadan halka uu…

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Golihiisa cusub ee Wasiirada (Sawirro)

Caydiid Ali