Allbanaadir.com
NEWS

Gaadiid la sheeay in daawo iyo Alaabo kale u wadeen Al Shabaab oo la qabtay (Sawirro)

Ciidanka booliiska maamulka Galmudug ayaa koonfurta magaalada Gaalkacyo ku qabtay labo gaari oo nuucoodu yahay Homey , kuwaa oo la sheegay in alaabo kala duwan u wadeen kooxda Al Shabaab.

Gaadiidka ciidanka maamulka Galmudug qabteen ayaa la sheegay in ay ku rarnaayeen daawo, raashin iyo agabyo kale oo la sheegay in ay dalbadeen kooxda Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Mudug.

Saraakiil katirsan ciidanka Galmudug ayaa sheegay in gaadiidka la qabtay ay kusii jeedeen degaann dhaca koonfurta Galmudug, gaar ahaan deegaannadii dhawaan ka baxeen ciidanka dowladda dibna u qabsadeen Al Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa sidaan oo kale horey gacanta ugu dhigay gaadiid kala duwan oo alaabo u waday deegaanno ay maamulaan Al Shabaab, alaabahaasi ayaana la dheegay in si gaar ah ugu socdeen kooxdaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Amaanka QM oo kordhiyey xanibaad la saaray Al-Shabaab

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Dab ka kacay Keymo ku yaalla Buuraleyda gobolka Sanaag

Caydiid Ali

Nin Calooshiisa laga soo saaray Buraashka lagu cadeysto !! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---