Allbanaadir.com
NEWS

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya oo magacaabay la taliye cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay la taliye cusub oo ka mid noqonaya la taliyeyaasha xafiiskiisa.

Mukhtaar Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay La-taliyaha Arrimaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somalia ka dib wareegto ka soo baxday xafiiska Xamse Cabdi Barre.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Mukhtaar Maxamed Xasan u magacaabay La-taliyaha Arrimaha Amniga ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS” ayaa lagu yiri wareegto ka soo baxday xafiiska Xamse Barre.

Magacaabistan ayaa ku soo aadeysa xili dalka uusan laheyn Wasiir amni muddo 4 afar bilood ah ka dib markii Wasiirkii ku magacownaa Wasaaradaas loo magacaabay xil kale oo ah danjiraha Somalia u fadhiya dalka Qatar.

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo soo saartay amar la xiriira Maalmaha Ciidul adxaa (Akhriso)

Caydiid Ali

Deeqdii raashinka ee katimid Imaaraadka oo lagu wareejiyay Wasaaradda arrimaha gudaha (Sawirro)

Cabdi Cade

RW Xamse oo kulan dadweyne kaga jawaabay Su’aalo xasaasi ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---