Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamanka Somalia oo ka dooday labo qodob & Aadan Madoobe oo..

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 27-aad ee wadajirka ah ee labada aqal, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku guda jira ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah.

Waxay maanta u gudbeen ka doodista Madaxa Seddexaad oo ka hadlaya xisbiyada siyaasadeed iyo Madaxa 4-aad oo ku saabsan maamulka dorashooyinka dalka.

Gudoomiye Sheekh Aadan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka beri ay Xildhibaannada soo xaadiraan si loo dhameystiro cutubka 4aad ee wax ka bedelka Dastuurka KMG.

Related posts

Ra’iisul wasaare Khayre oo laba sano la dhameestay Madaxwayne Farmaajo Maanta kale Maxaa dhacay (Daawo Video )

admin

Daawo Sawirada Sida Quruxda badan ee loo dhisay garoonka Muqdisho Stadiom

Cabdi Cade

Faahfaahin:Tiro Madaafiic ah oo ku habsatay Isbitaalka degmada Guriceel (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---