Allbanaadir.com
NEWS

Dabageed oo xilka u kala wareejiyey Wasiiro ka tirsan Hirshabelle (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Abdifatah Hassan Farah iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamuud Shiikh Cali Salaad.

Labada Wasiir ayaa soo bandhigay Waxqabadka Wasaaradaha la isku weydaariyay, waxayna soo gudbiyeen Docomentiyada ay ku xusanyihiin wixii u qabsoomay iyo shaqada muhiimka ah ee wasaaradahan u hayaan bulshadda HirShabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle, ahna ku simaha Madaxweynaha Yuusuf Ahmed Hagar ”

(Dabageed) ayaa bogaadiyay Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada waxqabadka ay soo bandhigeen, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan howsha ay Dowladda iyo Bulshadda Hirshabelle u hayaan.

Labada Wasiir ee maanta xilalka la kala wareegay ayaa qeyb ka ahaa isku shaandheyn iyo magacaabis uu dhowaan ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, si loo dardar geliyo shaqooyinka dowladda.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taalada Halgamayaashii SYL (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

War Murtiyeed Xasaasi ah oo laga soo saaray Shirkii Musharaxiinta u socday (Akhriso)

Cabdi Cade

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo xasaanada laga qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---