Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarado dagaal oo dad badan oo Shacab ah ku xasuuqay Duleedka Afgooye

Diyaarado dagaal oo caawinayay ciidanka nabad sugida Soomaaliya ayaa xalay duqeymo ku garaacay dad shacab ah oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Bagdaad oo kuyaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeynta ayaa la sheegay in lala begsaday qoysas kasoo barakacay dagaal ka dhacay deegaannada Basra iyo Jambuul, waxaana qoysaskan lagu duqeeyay xilli ay gabaad ka dhigteen beero kuyaalla deegaanka Bagdaad.

Inta la xaqiijiyay duqeyntan waxaa lagu dilay dad gaaraya 21-qof oo u badnaa haween, carruur iyo dad da’ ah, waxaa sidoo kale duqeyntan ku dhaawacmay oo la keenay isbitaalka Madiina 19-qof oo qaarkood qabaan dhaawacyo culus.

Dadka duqeynta lagu dilay qaarood ayaa la sheegay in ay u gurmadeen shacabkii duqeyntii hore waxyeelada kasoo gaartay, waxaana dadkii gurmadka ahaa iyana duqeynta kasoo gaartay dhimasho iyo dhaawac.

Ehelada dadkan lagu laayay deegaanka Bagdaad ayaa sheegay in la xasuuqay dad isku qoys ahaa oo naftooda kala soo baxsaday dagaallo ka dhacay Basra iyo Jambaluul, waxa ayna dadkan codsadeen caddaalad iyo in dowladda ka hadasho dadkan la xasuuqay.

Diyaarado dagaal oo caawinayay ciidanka NISA ayaa duqeyta ka fuliyay goobo katirsan Jambaluul, Basra iyo Bagdaad, waxa ayna ciidankan duqeynta ku beegsanayeen dagaallamaal katirsan Al Shabaab oo weerar ku qaaday ciidanka NISA, hasa ahaatee duqeynta ayaa keentay khasaaro soo gaaray dad badan oo shacab aan waxba galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere lagu dhaawacay Dagaalka Hiiraan ?

Cabdi Cade

Haweeney kunool Muqdisho oo lagu soo qabtay gurigeeda Hub iyo bambaanooyin (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Putin oo ka hadlay Wararka sheegaya in Dagaalka Ukraine u isticmalayo Nukliyeer

Cabdi Cade
Taboola Ads ---