Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay in xubno badan Al Shabaab looga dilay howlgal laga fuliyay beeraha Afgooye

War-saxaafadeed kasoo bsxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgal ciidanka dowladda iyo kuwa caalami ah shalay ka fuliyeen deegaanno  hoostaga Afgooye lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo katirsan kooxda Al Shabaab.

Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xogta maleeshiyaad  isku aruursanayay deegaannadaan kuwaasi oo waday abaabul ay ku dhakrayaan shacabka Soomaaliyeed sida dowladda sheegtay.

Hawlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska ayey dowladdu sheegtay in lagu dilay 24- Al Shabaab ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad. Sidoo kale dhagar qabayaal kale oo ku dhaawacmay hawlgalladan ayay Al Shabaab geeyeen deegaannada Farsoolay iyo Buulo Fulay.

Related posts

Booliska London oo Somalia u tarxiilay nin la dhashay orodyahanka Mo Farah

Caydiid Ali

Burcad dhac u geesan jiray Shacabka Muqdisho oo xukun lagu rida (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shariif oo Digniin culus kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---