Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Yurub iyo dal Afrikan ah oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $ 8 bilyan si loo xakameeyo …

Midowga Yurub iyo dowladda Masar ayaa kala saxiixday heshiis ku kucaya balaayiin dollar, si Masar kaalin weyn uga qaadatao xakameynta qul qulka muhaajiriinta sharci daradda ku galaya waddamada Yurub.

Heshiiska ay kala saxiixdeen Midowga Yurub iyo Masar ayaa ku kacaya €7.4bn ($8bn; £6.3bn), waxaana lacagtan loogu tala galay in sare loogu qaado iskaashiga ganacsi iyo midka amni ee labada dhinac ka dhaxeeya iyo joojinta qul qulka muhaajiriinta.

Madaxda Midowga Yurub iyo Masar ee kala saxiixday heshiiskan ayaa sheegay in heshiisku uu kor u qaadayo xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo dalka Masar uuna keenayo heshiiskaasi in la sameeyo  iskaashi istiraatiiji ah.

Dad badan oo Masaari ah ayaa galay tahriib sharci darro ah iyaga oo sii maraya Liibiya, kaddib markii dalkaasi lasoo daristay dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah, waana mida hadda keentay in Masar heshiiskan dhaqaalaha badan ku helayaan la galaan Midowga Yurub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacabka Soomaaliyeed ee soo jeeda mar kale mala qaldi karaa ?

Cabdi Cade

Britain oo qaadatay go’aan dharbaaxo ku ah Boqortooyada Sacuudiga

Caydiid Ali

(Akhriso) Madaxweynaha Jubbaland oo soo saaray wareegto lagu Magacaabay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---