Allbanaadir.com
NEWS

Diyaaradii tagi jiray garoonka Dhoobley oo joogsaday iyo Jubbaland oo Digniin soo saartay

Maareyaha guud ee garoonka diyaaradaha Degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose Abdirizak Nuur Mohamed ayaa Digniin adag udiray shirkadaha diyaaradaha adeegga duulimaad ka fuliya degmada Dhoobley.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa muddo labo isbuuc ah wax duulimaad ah ku tagin magaalada Dhoobley, waxaana arrintaasi dhibaato xooggan kasoo gaartay rakaab badan oo doonayay in ay u safraan kana safraan Dhoobley.

Maareeyaha ayaa  sheegay in ay tan digniintii ugu dambeysay tahay shirkad duulimaadna aan dib dambe loogu dulqaadan doonin in ay shacabka ku tacadido, isagoo carrabka ku adkeeyay hadii ay taasi dhacdo in ay tallaabo adag qaadi doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaqaalaha DOWLADA HOOSE & kuwa WASAARADDA AMNIGA oo laga qaaday aqoonsiyadii shaqada !!

admin

Beesha Caalamka iyo Qoorqoor oo ka wada hadlay xiisada ka taagan Guriceel (Sawirro)

Caydiid Ali

Nabadoon Xasan Cali Muude oo la dilay iyo mid kamid ah raggii dilay oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---