Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Isaias Afwerki socodna ku maray magaalada Asmara (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Aqalka Madaxtooyada magaalada Asmara kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Eriteriya Isaias Afwerki.

Labada Madaxweyne ayaa kulanka ay yeesheen uga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal, Arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Isaias Afwerki dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka kooxaha Khawaarijta.

Kulanka kadib labada Madaxweyne ayaa socod ku soo maray goobaha dadweynaha ku caweeyaan ee magaalada Asmara ee xarunta Dalka Eriteriya.

Related posts

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka Jawaabay Felcelin ka dhalatay gef la sheegay in uu kula kacay…

Cabdi Cade

Koongareeska Mareykanka oo heshiis KMG ah ka gaaray arrin muhiim ah

Cabdi Cade

Sonny Williams oo ka hadlay sida loogu takooray Shaabadda saaran korkiisa markuu Islaamay!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---