Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu amba-baxay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya.
War kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Etitrea u aaday sidii uu ula soo kulmi lahaa ciidamo katirsan dowladda oo tababar ku qaadanaya xeryo kuyaalla dalkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale inta uu joogo dalka Eritrea waxa uu la kulmi doonaa dhigiisa dalkaasi, waxa ayna kawada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo khuseeya xaalada gobolka iyo xiriirka labada dal.
Xasan Sheekh ayaa safaro kala duwan ku tagay dalka Eritrea oo lagu tababaro ciidamo badan oo katirsan xoogga dalka, waxa uuna madaxweynaha marar kala duwan dalkaasi tababar ugu soo xiray ciidamo kala duwan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com