Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerarada ka socda Badda cas oo sii kordhaya & Mareykanka oo shaaciyey..

Markab ganacsi oo marayey badda cas ayaa waxaa lagu weeraray dayuuradaha aan duuliyaha sida ay hay’adda ganacsiga badaha ee UK (UKMTO).

heyadda ayaa sheegtay in shilkan uu ka dhacay meel 85 nautical miles dhanka bari kaga beegan magaalada Cadan ee dalka Yemen. Ma aysan cadeyn dalka laga leeyahay iyo calanka markabkan ganacsi.

Maamulka ayaa baaraya shilkan iyadoo markabka uu ku sii socdo dekeddiisa xigta, lamana soo sheegin illaa hadda wax khasaare ah.

Todobaadyadii la soo dhaafay, Xuutiyiinta Yemen oo ay taageerto Iran ayaa xoojisay weerarada ay ku beegsanayaan maraakiibta ku sugan badda cas, taasoo ay ku sheegeen inay tahay mid ay Israa’iil kaga aargoosanayso ololaha milateri ee ay ka waddo Qaza.

Dhinaca kale, Taliska dhexe ee militariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeyn ku burburiyeen 7 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah ee loo yaqaan Drones-ka oo ku sugnaa deegaannada ay Xuuthiyiinta maamulaan ee Yemen.

Diyaaradii sideedaad ee aan duuliyaha lahayn ayaa loo malaynayaa inay ku dhacday Badda Cas”0 CENTCOM ayaa qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ku sheegtay.

Xuutiyiinta Yemen ayaa muddo bilo ah weerarayay maraakiibta xamuulka iyo kuwa militariga ee ku sugan badda cas iyo gacanka cadmeed iyagoo taageeraya Falastiiniyiinta ku sugan Gaza.

 

Related posts

Axmed Madoobe oo Dhul ku wareejiyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka

Cabdi Cade

Askar ka tirsan ciidanka Imaaraadka oo lagu dilay Sudan

Caydiid Ali

Farmaajo iyo Shiikh Shariif oo kulamo xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Ankara

Caydiid Ali
Taboola Ads ---