Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo tagay taliska NISA amarna siiyay Hay’adaha Amniga (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu warbixinno ku saabsan amniga dalka kaga dhageystay Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha. Taliyeyaasha ciidanka Booliska iyo Nisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga in ay dardargeliyaan xaqiijinta ammaanka dalka, kana feejignaadaan dhagarta uu cadowgu ku khal-khal gelinayo ammaanka, isla markaana ay ku doonayaan in ay kaga hor istaagaan dadka Soomaaliyeed gudashada waajibaad Alle.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka iyo ciidanku ay yeeshaan iskaashi dhow, si loo fashiliyo shirqoolka cadowga.

Tagiska Ra’isul Wasaare Xamse Barre ee xarunta NISA ayaa imaaneyso xilli habeen hore weerar ismiidaamin ah xubno katirsan Al Shabaab ku galeen hotelka SYL ee ku dhaw madaxtooyada, waxaana weerarkii uu fashiliyay sirdoonka Soomaaliya oo kahor tagi waayay weerarkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale shalay galab tagay xarunta hay’adda NISA, waxa uuna madaxweynaha halkaasi u tagay sidii uu u ogaan lahaa qaabkii uu u dhacay weerarka SYL iyo sida Al Shabaab halkaasi kusoo gaareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay Maxamed Cali Xumud & wafdigiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo la kulmay wakiilka cusub ee UN-ka u qaabilsan Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasaarada Waxbarashada Somalia oo war ka soo saartay isku dhicii Booliska & ardayda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---