Allbanaadir.com
NEWS

Fatimah O’Sullivan “Islaamku wuxuu iga saaray noloshii foosha xumeyd ee qamriga iyo rabshada.”

Fatimah O’Sullivan waxay gu’yaal badan la daalaa-dhacaysay isku buuqsanaan iyo xanuun dhinaca maskaxda ah oo u diiday xasiloonida. Laakiin hadda waxay sheegtay inay heshay ujeeddada dhabta ah ee nolosha iyo sirta xasiloonida. Waxay soo gabagabeysay nolol mugdi ah oo khamri cabid iyo rabshado ah. Waxayna qaadatay diinta Islaamka.

Waxay ku dhalatay Scotland waxayna usoo wareegtay London kahor inta aysan saldhigan Hampshire.

Iyada oo aad u da’yar ayay la kulantay arday Muslimiin ah oo ay isku fasal ahaayeen. Sidaas oo ay tahay, waxay nasiibdarro ka dhacday nolosha iyada oo bilowday inay qamriga u cabto si xun. Markii laga diiday inay sii joogto iskuulka si ay wax barashada usii wadato – maadaama aysan bandhig fiican ka sameynin – waxay dooratay inay waaqica nolosha kaga dhuumato cabidda qamriga iyo maandooriyaha kale.

Sannadkii 2021 ayay si kastaba si dhab ah u bilowday inay ka fikirto suuragalnimada ah inay diinta Islaamka barato. Sannadkii xigay ee 2022-na waxay qaadatay Islaamka.

“Safarkaygii adkaa ee nolosha waxaan si fudud ugu nastay qaadashadayda diinta Islaamka,” ayay tiri.

Hadda waxa barteeda Tiktok soo dhigtaa waxa ay kaga dhigan tahay noqoshada gabar Muslimad muxajabad ah nolosheeda.

“Waan ku raaxaystaa inaan dadka wax u sheego. Waana ku raaxaystaa faafinta diinta Islaamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo soo gebagebeeyey booqashadii uu ku joogay Qatar

Caydiid Ali

Somaliland oo go’aano adag ka qaadatay ka hortagga cudurka Coronavirus (Akhriso)

Caydiid Ali

Wasiir Axmed Fiqi oo la kulmay Cabdi Waayeel kaddib muddo kororsigii Qoor Qoor (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---