Allbanaadir.com
NEWS

Weerar xooggan oo lagu qaaday burcad-badeedii ee afduubatay Markabka MV Ruen

Ciidanka badda dalka Hindiya ayaa  weerar culus ku qaaday burcad-badeeda Soomaalida ee afduubka ku heesata markabka  MV Ruen, kaa oo laga soo afduubtay meel ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Axmed Yasiin Saalax ayaa sheegay in iska hor imaad xooggan uu dhax maray ciidamada badda dalka Hindia iyo burcad-badeeda afduubka u heesata markabka.

Ciidamada badda dalka Hindiya ayaa isku dayay in ay soo bad baadiyaan bad-maaxiyiinta la socota markabka la afduubtay, waxa ayna weerar dhowr jiho ah ku qaadeen markabka burcad-badeeda u afduuban oo ku sugan xeebaha Puntland.

‘‘Shalay galinkii danbe ilaa xalay ayaa ciidamada badda ee Hindiya weerer ku qadeen Markabka, warbixinaddii ugu danbeyey ee an helnay waxay sheegayaan in markabka qaybta danbe uu dab ka kacay oo laga arkayo bariga, xogtu waxay sheegeysaa in burcada ay qaybi dhaawac tahay” ayuu yiri wasiir Axmed Yasiin.

Waxa uu sheegay wasiirka in burcad-badeeda afduubka u geesatay markabka ay hadda gaarayaan 30-nin oo aad u hubeysan, kuwaa oo isugu jira kuwii soo afduubtay markabka iyo kuwa kale oo gurmad ahaan ugu tagay.

Burcad-badeeda Soomaalida ayaa wararku sheegayaan in ay dileen qaar kamid ah shaqaalihii markabka saarnaa, waxa ay sidoo kale markab dagaal ku wareejiyeen mid kamid ahaa shaqaalaha markabka oo dhaawac soo gaaray.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa dhankooda howlgalo kawada deegaanno dhaca xeebaha gobolka Mudug, halkaas ay doonayaan in ay ku beegsadaan kooxaha burcad-badeeda ee afduubka u geesatay markabka dhuxusha waday.

Markabka afduuban ayaa ka soo ambabaxay dalka Mozambique kuna sii jeeday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, waxaana uu siday shixnad dhuxul ah oo dhan 55,000 oo tan,  markabka ayaana laga leeyahay dalka Bulgaariya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Siyaasi Caan ah oo si qasab ah looga tarxiilay dalka Kenya

Cabdi Cade

Itoobiya oo dib ugu soo celisay gobolka Tigray qaar ka mid ah adeegyadii bulshada

Caydiid Ali

Aktarad caan ku ah aflaamta Hindiga & gabadheeda oo laga helay cudurka COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---