Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo howlgal qorsheysan ku dilay Maxamed Maracade iyo ilaaladiisa

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa howlgal qorsheysan ku dilay saraakiil iyo dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab.

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee Sonna ayaa sheegtay in ciidanka galeen deegaanno ay ku sugnaayeen Al Shabaab ayna halkaasi ku dileen saraakiil katirsan Al Shabaab oo ciidanka dowladda kudaba jireen.

Ciidanka huwanta ah ayaa la sheegay in ay jidka u galeen gaari ay ku safrayeen xubno katirsan Al Shabaab oo xilligaasi marayay deegaanka Dumaaye, waxa ayna halkaasi ku dileen todobo xubnood oo katirsan Al Shabaab ay ku jireen saraakiil.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in howlgalka xubnaha lagu dilay uu ku jiro Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde) oo ahaa kuxigeenka madaxa jabhada Al Shabaab ee gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Waxa ay sidoo kale saraakiisha ciidanka xoogga sheegeen in howlgalka lagu dilay sargaal kale oo ajnabi ah oo katirsanaa Al Shabaab iyo shan xubnood kale oo iyana ilaalo u ahaa saraakiisha la dilay.

Ciidanka xoogag dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan magaalada Xarardheere ayaa bilaabay fulinta howlgalo qorsheysan ay ku beegsanayaan kooxda Al Shabaab ee ku safarta waddooyin katirsan koonfurta gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo sheegay in ay qabteen Dukumiintiyo been abuur ah iyo dadkii watay

Cabdi Cade

Sacuudiga oo dalkiisa ka mamnuucay Muwaadiniinta dalal uu Maraykanku ku jiro

Caydiid Ali

Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen dowladaha Somalia & Qadar? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---