Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo soo arkay Masuuliyiin ku dhaawacmay weerarkii SYL (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo masuuliyiin kale oo la socotay ayaa caawa booqday Isbitaalka Erdogan ex Digfeer ee magaalada Muqdisho ay ku jiraan masuuliyiin iyo dad kale oo ku dhaawacmay weerarkii Hotelka SYL.

Xamse Barre ayaa u tagay isbitaalka Digfeer si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii ay kooxda argagaxisada Al Shabaab ku qaaday hotel SYL ee kuyaalla agagaarka Villa Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo mid mid u dul istaagay ayaa alle uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo, isagoo ka waraystay maamulka isbitaalka xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka, islamarkaa uga mahadceliyey dhakhaatiirta Isbitaalka Erdogan shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

Weerarkii xalay Al Shabaab ku qaadeen hotelka SYL ee kuyaalla halka laga galo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaaana dadka ku dhaawacmay ku jira xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo dowladda katirsan.

Madaxda dalka ugu sarreysa ayaa dhammaantood booqasho ku tagay isbitaalka Digfeer , halkaas oo la dhigay dhaawacyada inta badan masuuliyiintii iyo dadkii kale ee xalay ku dhaawacmay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen hotelka SYL ee Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Warbaahinta oo loo diiday in ay tabiyaan furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka

Cabdi Cade

War-Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wasiirada ee Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade

Muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo si arxan darro ah loogu dilay dalka Canada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---