Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Mareykanka oo digniin amni u dirtay Muwaadiniinteeda kunool Nairobi

Safaaradda dowladda Mareykanka ee Kenya ayaa soo saartay digniin dhinaca ammaanka ah, waxa ayna  uga digtay muwaadiniinteeda kunool magaalada Nairobi falal ammaan-darro oo ka dhacaya xaafadaha ay deggan yihiin.

Sida lagu sheegay digniin la soo dhigay bogga saafaradda dowladda Mareykanka ku leedahay dalka Kenya waxaa ka mid ah dambiyada in la dhaco boorsooyinka iyo taleefooada qaaliga ah.

Safaaradu waxa ay u sheegtay muwaadiniinta Mareykanka in ay racaaan afar tallaabo si ay uga fogaadaan falal dambiyeedyada dhaca ay la kumi karaan inta ay joogaan magaalada Nairobi.

Tallaabooyinka waxaa ka mid ah in ay ka taxadaraan deegaanka ay ku sugan yihiin iyo dhaqdhaqaaqooda. Sidoo kale waxaa ku jira tallaabooyinka in aysan soo bandhigin wax calaamad ah oo muujinaya hantidooda sida xirashada dahabka, saacadaha ama in ay qaataan lacag badan.

Waxaa loo sheegay muwaadiniinta in aysan la dagaallamin marka ay burcada wajahaan ayna deganaan muujiyaan. In laga horyimaado burcadda waxay keeneysaa dagaal. Sidoo kale waxaa loo sheegay in ay xiraan daaqada iyo albaabada gawaarida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Kumandoska ee DANAB oo Al-Shabaab oo kala wareegay degaano cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga bixiyay Gabar Muqdisho lagu waayay oo lagu tuhmayo Taliska NISA

Cabdi Cade

Dowlada Maraykanka oo 28 sano ka dib safaarad ka furatay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---