Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn kormeer ku tagay xarunta hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka NISA, halkaasi oo uu ku dhageystay warbixino horudhac ah oo ku saabsan weerarkii argagixiso ee hotel SYL.
Sida aan xogta ku helnay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalbaday in la tuso kaamirooyinka qarsoon ee ku xiran laamiga soo gala madaxtooyada, si uu indhihiisa ugu arko cidda u fududeysay kooxdii weerarka geesaty in ay soo gudbaan.
Xasan Sheekh ayaana ka dalbaday saraakiisha hay’adaha amniga in baraitaanno deg degt ah lagu sameeyo weerarka lagu qaaday hotelka SYL, waxaana madaxweynaha dalbaday in tallaabo laga qaado cid kasta oo fududeysay weerarkaasi.
Dhinaca kale Madaxweyne asan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada, mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay weerarkii argagixisada Khawaarijta ee ka dhacay hotelka SYL.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo la socotay ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan isbitaalka Digfeer lagu daweenayo, waxa uuna ka wareestay xaaladooda caafimaad iyo dhibka gaaray, isagoona Alle u weydiiyay caafimaad degdeg ah.
Weerarkii xalay Al Shabaab ku qadeen hotelka SYL ee kuyaalla xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhaliyay tuhuno badan, waxaana aad la isku weediinaya sida fudud ee halkaasi ku gaareen kooxdii weerarka geesatay ee Al Shabaab katirsaneyd.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com