Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo Isbitaal ku booqday Masuuliyiin ku dhaawacmay Weerarkii SYL (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed (Madoobe) ayaa booqday isbitaalka Digfeer oo ay ku jiraan dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Al Shabaab xalay ku qaadeen Hotel SYL ee Muqdisho.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadda weerarkii xalay ee xaaladooda lagula tacaalayo isbitaalka Digfeer, isagoona Allah uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo .

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xusay dhaawacyada aadka u daran ee gudaha dalka wax loogu qaban karin in loo qaadi doono dalka dibadiisa, si halkaasi loogu soo dabiibo uguna helaan daaweyn tayo sare leh.

Weerarka Al Shabaab xalay ku qaadeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka ku dhaawacmay weerarka ku jira xildhibaanno, masuuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israa’iil oo tacadiyo xanuun badan ka geesaneysa Gasa xilli rejo laga qabo in…

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo muddo kordhin u sameeyey Guddi loo xil saaray muddo kororsiga

Caydiid Ali

Mareykanka oo Cunaqabateyn adag kusoo rogay Cabdiweli Maxamed Yuusuf

Cabdi Cade
Taboola Ads ---